Caawimada ka dib Kufsiga iyo Weerarka Galmada
Bilaasha ahaan iyo tallo qarsoodi ah 24 saacadood maalintii, 7 maalmood wiigii wac 0117 342 6999
Macno ma laha marka lagu weeraray, halka ay ka dhacday ama cidda samaysay – waxaanu dhagaysan doonaa khibradaada oo waxaanu kaa caawin doonaa in aad hesho taageeradaad doorato.
Nama siinaysid anaga magacaaga yo cinwaankaaga.
Weerarka galmo iyo kufsigu waxa uu ku dhici karaa qof kasta wakhti kasta.
- Waxa ay ku dhici karaan haweenka, ragga iyo carruurta.
- Qofka ku dhaawaca adiga waxa uu noqon karaa qof qariib ah, lamaanahaaga, ama qaraabo ama qof aad u malaysay in uu saaxiibkaa yahay.
- Kufsiga iyo weerarka galmo waxa uu ka dhici karaa guriga, dibada ama dhisme dad wayne.
- Kufsiga ama weerarka galmo waxa uu kaaga tegi karaa dareen aad u wareersanaan ah, yaxyax leh oo baqdin leh.
Xaga The Bridge waxaanu ognahay in qof kasta khibradiisu ay kala duwantahay. Waanu ku dhagaysan doonaa adiga oo waxaanu sharaxi caawimada aanu ku siin karno adiga. Tan waxaa ka mid ah:
- Daryeel caafimaad
- Dawada dhalma joojinta gurmadka ah
- Taageero caadifadeed
- La tallinta
- Baadhitaanka caddayn raadinta – tani waa baadhitaanka lagu raadinayo caddayn caawin karta baadhitaanka booliska.
Haddii aad wacdo booliska si aad ugu sheegto iyaga in adiga lagu kufsaday ama galmo ahaan lagu weeraray waxay kuu soo jeedin karaan in adiga lagu keeno The Bridge wixii baadhitaan ah. Haddii aanad go’aan ka gaadhi karin haddii aad doonayso in aad booliska u sheegto, waxaad baadhitaanka ku qaadan kartaa The Bridge oo waxaanu hayn doonaa muunnadaha. Haddii aad doorato in aad booliska u sheegto mustaqbalka, waxaad iyaga u sheegi karaa in aanu hayno caddaynta oo waxay naga soo qaadi karaan anaga iyadda si ay ugu caawiyaan baadhitaankooda.
Waxaanu bixin karnaa turjumaan
Sidoo kale waxaad keensan kartaa saaxiib, xubin qoyska ah ama qof kale oo aad aaminsantahay xaga The Bridge si uu kuu taageero.
Baryatada nternatku waa www.thebridgecanhelp.org